Robbinsdale Area Schools

Somali: U diyaargarawga isbeddel iman kara Oktoobar 19

Somali: U diyaargarawga isbeddel iman kara Oktoobar 19

U diyaargarawga isbeddel iman kara Oktoobar 19

Sibtembar 18, 2020

Qoysaska Qaaliga ah ee Dugsiyada Aagga Robbinsdale,

Sannad-dugsiyeedka cusub waa billow wanaagsan! Imminka, waxaan rajeynaynaa in adiga iyo qoyskaaguba aad si kalsooni leh ugu dhex gooshtaan xaqiiqadan cusub oo aad fursad u hesheen inaad xiriiro cusub yeelataan.

Waxaan u hilownay inaan ku aragno dhammaan bartayaashayada iskuulka oo hadafkayaguna wali waa inuu ardaygu dib ugu soo laabto shakhsiyan waxbarashadiisa. Xogta caafimaadka ee Agoosto iyo Sibtembar waxay muujineysaa hoos u dhac ku yimid jihada COVID-19 ee la soo sheegay. Tan macnaheedu waxa weeye waxaan u diyaar garoobaynaa isbeddel macquul ah oo ku yimaada qaabkeena waxbarasho ee ardayda dugsiyada barbaarinta, hoose, dhexe, iyo sare, laga bilaabo Isniinta, Oktoobar 19.

Tan iyo xagaagan, waxaan diyaarinaynay inaan ardayda si nabad ah dib ugu celinno shakhsiyan waxbarashada. Qorshayaashan ayaa is beddelay markii aan sii wadnay helitaanka macluumaadka hore leh ee Waaxda Waxbarashada ee Minnesota (WWM), Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (WCM) iyo kooxdayada gobolka ee khubarada caafimaad. Caafimaadka iyo badbaadada ardaydeena iyo shaqaalaheena ayaa wali ah ahmiyadeena sare.

Fadlan la soco inaan sii wadayno inaan si joogto ah ula xiriirno qoysaska marka aan helno macluumaadka ugu dambeeya. Markii aan u gudubno barashada shaqsiyeed, waxaa jiri doona hab-maamuusyo caafimaad iyo badbaado, oo ay ku jiraan kala fogaynta bulshada, wejiga daboolka iyo gacmo shaqasho joogto ah. Waxaa jira faahfaahinno badan oo la tixgalinayso -- oo ay ku jiraan gaadiidka iyo jadwalka ardayda. Macluumaad dheeri ah ayaa laydinla wadaagi doonaa maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Habka waxbarashada ardayda dugsiyada barbaarinta iyo hoose
Sida laga soo xigtay xogta, ardayda dugsiyada barbaarinta (xanaanada) iyo hoose waxay boqolkiiba 100 u badan tahay inay u wareegaan waxbarashada shaqsiyeed Isniinta, Oktoobar. 19. Tan macnaheedu waxa weeye in ardayda dhigata dugsiga hoose ay shakhsiyan tegi doonaan dugsiga shan maalmood toddobaadkii.

Habka waxbarashada ardayda dugsiyada dhexe iyo sare
Isla xogta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ardayda dugsiga dhexe iyo sare ay u badan tahay inay u wareegaan waxbarasho isku dhafan Isniinta, Oktoobar 19. Barashada isku dhafan, ardayda waxay u imaandoonaan si iswaydaar ah si ardayda qaar ay si shakhsiyan wax u bartaan kuwa kalena uga qayb galaan barashada fogaanta. Jadwalka iskudahfka oo gaar ah ee ardayda ayaa la wadaagi doonaa labada toddobaad soo socda.

Habka barashada kulammada su'aalaha iyo jawaabaha
Habka waxbarashada ee kulammada su’aalaha iyo jawaabaha ee qoysaska waxaa loo qorsheyn doonaa usbuuca Oktoobar 5. Kulamadan waxaa ka mid noqon doona macluumaad ku saabsan iskudhafka iyo waxbarashada shakhsi ahaanta, iyo 281-keena Waxbarashada Fogaanta Dugsiga. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loo heli karo kulamadan ayaa lala wadaagi doonaa qoysaska dhowaan; fadhiyada sidoo kale waa la duubi doonaa looguna soo dhajin doonaa websaydhka degmada qoysaska aan soo xaadiri karin inta lagu jiro shirarka qorshaysan.

Qoysaska ka doorbida ardaygoodu (doodu) inay ku sii wataan waxbarashadooda guriga, wali waxaad ikhtiyaar u leedahay inaad iska qorto 281 Dugsiga Waxbarashada Fogaanta. Muddada diiwaangelinta ugu horraysa waxay dhammaanaysaa Oktoobar 9; qoysasku waxay iska qori karaan 281 Dugsiyada Waxbarashada Fogaanta iyagoo buuxinaya foomkan.

Dugsi Ma jiro Khamiista, Oktoobar 8 illaa Jimcaha, Oktoobar 16
Iyadoo lagu saleynayo jadwalka sanad dugsiyeedka caadiga ah, ardayda waxaa loo qorsheeyay inay ka baaqdaan Jimcaha, Oktoobar 9, oo ah maalinta Horumarinta Xirfadda Shaqaalaha. Ka dib markale MEA Khamiista, Oktoobar 15 iyo Jimcaha, Oktoobar 16.

Haddii aan isbeddel ku samayno qaababka wax lagu barto, fadlan ogow in shaqaalaha dugsigu yeelan doonaan illaa shan maalmood oo qorshayn dheeraad ah si ay ugu gudbaan marxaladda xigta iyagoo ku saleynaya Amarka Fulinta ee Guddoomiyaha Gobolka Tim Walt’s. Waxaan qorshaynaynaa inaan afar maalmood u adeegsanno xilliga kala guurka, taas oo macnaheedu yahay inuusan jiri doonin iskuul ay wax ku bartaan ardayda Khamiista, Oktoobar 8deeda; Isniinta, Oktoobar 12, Talaado, Oktoobar 13, iyo Arbacada, Oktoobar 14.

Ardayda hadda ka diiwaangashan Naadiga Adfenjarka iyo barnaamijka aasaasiga (heerka 1aad feejignaanta ee daryeelka muhiimka ah ama khidmadda ku salaysan) ayaa la sii wadi doona helitaanka daryeelka carruurta. Haddii aad u baahan tahay daryeel carruureed inta lagu jiro xilliga kala guurka, fadlan la xiriir Naadiga Adfanjarka si aad u hubiso helitaanka oo wac 763-504-5320.

Waan ognahay inay kuwani yihiin waqtiyo aan horay loo arag, waxanan u wada sameyn doonnaa si wadajir ah tan. Kooxdayada cajiibka ah ee maamulka, macalimiinta iyo shaqaalaha waxay si qoto dheer u daryeelaan ardaydeena. Waxaan u shaqaynaa hakad la'aan si aan u xaqiijino sannadka ugu fiican ee suurtogalka u ah dhammaan bartayaashayada uga gudbayaan waqtiyadan hubanti la’aanta. Waxaan qiimaynaynaa wada shaqayntaada joogtada ah, dabacsanaanta iyo nimcada.

 

Si daacadnimo ah,

Dr. Stephanie Burrage
Kormeeraha Guud ee Ku meel Gaarka ah
Robbinsdale Area Schools